Maxaa kajira in Deni & Axmed Madoobe tagayaan Muqdisho

Waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxweeynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland  Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Sida ay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ay  sheegeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa maanta imaan doonna Muqdisho.

Dhankiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna la filaya in gelinka dambe ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Labada Hogaamiye ayaa lagu wadaa iney Muqdisho uga qeybgalaan shir lagu dhameystirayo heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedka kasoo baxay guddiga farsamo ee maamul goboleedyada oo Baydhabo isku arkay 15-16-kii bishii hore.