Weerar Madaafiic ah oo lagu weeraray Xerada Xalane ee Muqdisho

Wararka laga helayo Xarunta Xalane ee Muqdisho ayaa sheegayo in lagu tuuray tiro Hoobiyaal ah wali lama sheegin qasaaraha ka dhashay weererka Hoobiyaasha ah,.

Xarunta waxaa lagu qabanayaa Shirka Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo markale loo mudeeyay in la qabto maalmaha soo socda.

Waxaa Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Dowladd Goboleedyada Jubbaland halka Madaxweynaha Puntland la sugayo, iyada  oo lagu qanciyay in shirka lagu qabanayo meel ka baxsan Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xalane maadaama ay sheegeen in aysan isku aaminin karin meel kale, sabab la xiriirto weerarkii lagu qaaday, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya 19 bishii Hore.