Gaari uu leeyahay Maamulka G/ Banaadir oo lagu qarxiyay Muqdisho

Faah faahnimo dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho lagula eegtay mid ka mid ah gaadiidka loo adeegsanayo ka wacyigalinta dadka khatarta cudurka Covid 19.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu ku geeriyooday Darawalkii gaariga, sidoo kalana ay ku dhaacmeen qaar ka mid ah askartii ilaalada aheyd ee la soctay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa markiiba gaaray qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa.

Waa markii ugu horreysay oo la bartilmaameedsado mid ka mid ah gaadiidka ku howlan ka wacyigalinta dadka khatarta cudurkan