Midowga Musharixiinta oo War culus soo saaray

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa War kasoo saaray xaaladda amni ee dalka, Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusii faafay gudaha dalka iyo Shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee dhacaya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weeraradii lagu qaaday Maqaayada Luul Yemeni iyo midkii shalay ee Xerada Xalane, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa falalkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dad diidan nabadda iyo in heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana furad ka helay fashilka amni ee dowladda.