Deni oo kala diray Golaha degaanka degmada Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowad Giboleeska Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.