Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino geed la saaray ,waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo uu lasocday masuul ka tirsanaa maamulka degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose.

Wararka ayaa kusoo waramaya in qaraxu uu ka dhacay inta udhexeysa deegaanka lambar konton iyo degmada awdhiigle gaar ahaan halka looyaqaan beeraha balan.

Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaani maanta ka dhacay deegaanka beera balan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka degmada awdheegle maxamuud saakow oo ka mid ahaa masuuliyiintii lasocday ciidamada dowladda ee qarax lala beegsaday ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ka badbaaday islamrkaasna ay dhaawacyo kasoo gaareen ciidamo ilaalo u ahaa.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xaqiijiyay in qarax uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda halka afar kalana ay ku dhaawacmeen,waxaana uu sheegay in ciidamadaan ay dhaawacyadoodu ay qaarkood fudud yihiin islamarkaasna qaarka dhaawacyadoodu culus yahay ay usoo qaadeen magaalada caasimada ah ee muqdisho

Majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada qaraxaani qasaaraha geeystay oo lala  eegtay ciidanka dowladda