Taliye geeriyooday & Farmaajo oo ka hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliya ka geeriyooday dad muhiim ahaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay, kuwaas oo qaarkood uu dilay cudurka Coronavirus.