Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Midowga Afrika

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya mudane Francisco Madeira.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa iskala hadlay sidii loo qaban lanaa doorasho wadar ogol ah iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tan iyo markii uu tegay Magaalada Muqdisho waxaa uu waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka.