DEGDEG: Wasiirkii Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga oo Xilkii laga qaaday

U-adeegaha Labada Xaram ee Shariifaynka, ahna Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/Casiis Al-sacuud waxa uu soo saaray Amar Boqortooyo oo xilka looga qaaday Wasiirkii Xajka iyo Cumrada ee dalkaasi, Maxamed Saalax Bin Daahir Benton.

Qoraalka uu soo saaray Boqor Salmaan waxaa lagu sheegay in Xilka Wasiirka Xajka iyo Cumrada si Ku-meel-gaar (KMG) loogu magacaabay Dr. Cisaam Bin Sacad Bin Saciid oo ah Wasiiri-dowle iyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee Sacuudiga.