Madaxda Dowladda & Mucaaradka oo farriin adag loo diray

Wasiir hore ee Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa soo saaraan farriin loo dirayo Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

” Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, Muxaafid & Mucaarad, waa inay Dowladda Federaalka ku garab-isaagaan arrinta muranka badda ee ka dhexeeya Soomaaliya & Kenya ayuu yiri” Cali Xaaji Warsame.

15 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ka bilaabato dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.