Wadooyinka Muqdisho oo hal Arrin darteed loo xiray

Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka muqdisho, iyadoo la arkayo Ciidamo farabadan oo waddooyinka lagu soo daadiyay, waxaana gaadiidka dad weynaha laga celinayaa inta badan is-goysyada Caasimadda.

Waxaa la arkayaa dadka shacabka ah oo lugeynaya waddooyinka, maaddama loo diiday gaadiidka dadweynaha in ay isticmaalaan waddooyinka waa weyn ee inta badan isaga kala gooshaan gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay la xiriirto sababta loo xiray wadooyinka aaska qaran ee loo samaynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana guddigii uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay shaaciyay in maanta oo Jumca ah Meydka marxuumka  laga soo dajin doona Muqdisho.