XOG: Sababta Axmed Madoobe uga baaqday Salaada Janaasada Cali Mahdi oo la ogaaday

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa Salaada Janaasadda lagula duladay Meydka Madaxweynihii Afaraad ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Salaada Janaasada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal, hayeeshee waxaa ka baaqday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho ku sugan.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe sababo la xiriira dhanka Amniga iyo khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo uu uga baaqsaday Janaasadda Meydka Madaxweynihii Afaraad ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.