Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Jabuuti

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa hoyga uu degan yahay ku qaabilay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada dalka iyo dardar galinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo arimaha Doorashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horay ula kulmau Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka iyo Midowga Musharixiinta.