Golaha Ammaanka oo Baaq ka soo saaray Doorashooyinka Somalia iyo AMISOM oo xilliga loo kordhiyey

15-ka xubnood ee Golahaasi oo xalay Kulan Khaas ah ka yeeshay Arrimaha Somalia waxay Baaq Wadajir ah u direen DFS iyo Dowlad-gobaleedyada, si loo dhaqaajiyo Heshiis Wadajir ah oo horseedi kara Qabsoomida Doorashooyinka soo socda.

Goluhu waxa ugu baaqay DF iyo Dowlad-gobaleedyada inay si wadajir ah oo u agaasimaan Doorasho Xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Goluhu waxay ka digeen Dib-u-kale oo dheeraad ah oo ku yimaada Doorashadda Somalia, lana dhamaystiro Heshiis Siyaasadeed oo ku aadan arrimahaasi.

Dhinaca kale, Fadhigii Golaha Ammaanka ee xalay waxaa muddo-kordhin loo sameeyey Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ku ekaan doona bisha December 31-da ee sanadkan 2021-ka.