Ilaada Madaxweymaha Puntland oo Muqdisho soo gaaray+ Sawirro

Ciidamo aad u hubeysan oo kamid ah kuwa ilaalada Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Deni waxaala filayaa inuu galinka dambe ee maanta Muqdisho gaaro halkaas oo la filayo inuu dego xerada Xalane oo uu hore u deganaa Madaxweynaha Jubaland oo isna Muqdisho la yimid Ciidamo hubeysan.

Madaxda Jubaland Iyo Puntland ayaa Muqdisho u tagay ka qayb galka Shir looga hadlayo dhamaystirka doorashada muranku hareeyay.