Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Waxaa Saakay xiran inta badan Wadooyinka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, mana jirto wax gaadiid ah oo shaqeynaya marka laga reebo Degmooyinka qaar oo uu ka jiro dhaqdhaqaaq aan sidaa u badneyn.

Ciidamada Amaanka oo wata Gaadiid Dagaal ayaa jooga Wadooyinka qaar ee Caasimadda.

Ilaa iyo hada lama oga ujeedka loo xiray Wadooyinka Magaalada, iyadoo Saakay lagu waa bariistay Xirnaanshaha Wadooyinka Caasimada ah ee Muqdisho.