Wasiir Caafimaad oo isku casilay Bukaano u geeriyooday Ogsijiin la’aan

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Urdun, Nadiir Cabiidaat ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkaasi, kadib, markii ay 8 Bukaan oo la xanuunsanaa COVID 19 ugu geeriyoodeen Isbitaalka Guud ee Alsulda (مستشفى السلط) oo ay Dowladda maamusho.

Bukaanadaasi waxaa la sheegay inay u geeriyoodeen Ogsijiin la’aan ka dhacday Isbitaalkaasi.

Wasiirka waxa uu Warqadiisa Is-casilaadda u gudbiyey RW dalkaasi, Bashar Al-khasawanaat, oo isagana ku amray Xeer-ilaalinta Guud ee dalkaasi inay furaan Baaritaan la xiriira cidda qaadayso mas’uuliyada Bukaanadda u geeriyooday Ogsijiin La’aanta.