C/raxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in Soomaaliya si Deg Deg ah Dowlad loogu dhiso.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa.

” Colaadda, cudurka, abaarta,, gaajada, qaxa iyo amni darrida waxaan uga bixi karnaa; waa dowlad danta guud ka shaqeysa oo dadka baahiyahaas ka haqabtirta. Is la dhiso dowlad la aamino oo aan laga shaki qabin, dowlad la wada leeyahay oo aysan qolo ama koox gooni ah laheyn, dowlad ciidankeeda la ixtiraamo ee aan laga cabsan, dowlad danta guud ka shaqeysa ee dan gaar ah ku maqneyn.

Si dowladdaas loo dhiso waxaa muhiim ah in la helo dib u heshiisiin siyaasadeed oo kalsoonida iyo is aaminadda lagu dhiso.

Haddaba in afartii sano mar la qabto doorasho la isla oggolyahay oo si nabad ah ku dhacda waxey qeyb ka aheyd dib u heshiinta siyaasadeed ee dalka. Rajiimka muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu abuuray jawi cakiran oo keenay kala aamin bax iyo kalsoonida darridii oo badatay”