Itoobiya oo xaalad karantiil ah gelisay Wasiir ka tirsan Somaliland

Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Dawlada Itoobiya ay galisay xaalad Karantiin ah kadib markii laga helay Xanuunka Covid 19.

Wasiirka ayaa kamid ahaa Wafdi ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi oo todobaadkii hore Safar shaqo ku tagay Magaalaada Addis Ababa Ee Dalka Itooobiya kuwaasi oo Markii ay soo Guryo noqonayeen Baaris Caafimaad oo laga Sameeyey wafdigaasi laga helay Wasiir Sacad Xanuunka Covid19, sidaana u kaga haray wafdigii uu hogaaminayey .

Wararka laga Helayo Xaalada Caafimaad Ee Wasiirka ayaa tibaaxaya inuu Caafimaadkiisu fiican yahay , waxaana la Filayaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada Hargeysa marka uu dhamaysto maalmaha karantiinka.