Kenya oo ka baaqsatay dhageysiga dacwadda Badda & hal arrin ay qaaday

Dowladda Kenya ayaa qaadaysa tallaabo lama
filaan ah, markii ay ka baaqsato inay ka qeyb gasho
dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee kala
dhaxeysa Soomaaliya, taasoo loo balansanaa inay
Berri oo ku beegan 15 Maarso 2021 ka furanto
maxkamadda Cadaaladda ee ICJ.

Sida laga soo xigtay ilo Warbaahineed oo Kenyaan
ah dowladda Kenya ayaan ka qeyb galeyni doonin
dhageysiga Dacwadda Somalia iyo Kenya, taasoo ay sabab uga dhigtay xaaladda Covid-19 oo dooneyso in markii afraad dib loo dhigo Kiiska iyo Qareen ka tirsan Maxkamadda ICJ oo Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa muddo saddex jeer ah hore dib
ugu dhigtay codsiga Kenya, waxayna maxkamadda
ICJ sidoo kale aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in
dhageysiga dacwadda lagu daro in fogaan arag
looga qeyb galo, balse diidmada Kenya ayaa u
muuqata mid marmarsiiyo ah oo ay dooneyso inay
uga baxdo dacwadda oo dhan.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho Go’aanka Kenya iyo qorshaha xiga ay qaadi doonaan.