Ciidamada Kenya oo dilay dad Shacab ah & Xoolo+Sawirro

Ciidamada dowlada kenya ayaa Deeganka hoosingow oo hoostaga Degmada Badhaadhe Ee Gobolka jubada hoose ku Xasuuqay dad reer Guura ah Iyo 100 Neef oo Geel ah ,

2 qof oo dhimasho ah iyo 5 dhaawac ah weeye Qasaaraha dadka ey kenyatigu ku Xasuuqeen Hoosingow iyo 100 Neef oo geel ah ,

Dadka degaamadaas qaarkood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn fuliyeen, isla markaana ay la beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen dad Shacab ah.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dhibaatada Ciidamada Kenya ay u geystee. Dadka Shacabka ah iyo Xoolaha, waxaana arrintaan ay kusoo aadeeysaa xilli Maanta dalka Holand ay ka bilaabatay dacwadda Badda, iyada oo Kenya ay ka maqan tahay.