Deni oo la kulmay Safiirka Mareykanka & Wakiilla QM

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka oo ka qabsoomay Hoyga Madaxweyne Deni ka deganyahay Muqdisho waxa labada mas’uul uga wada-hadleen xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxa kulanka looga hadlay sidii uu ku qabsoomi lahaa shir ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.