Galmudug oo sheegtay in aysan waxba kala socon shirka ka dhacaya Xalane

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si aan toos ahayn wuxuu u xaqiijiyey in uu shuruudo ku xiray ka qeybgalka shirka lagu waddo in uu Muqdisho ku
dhexmaro maamulada iyo xukuumada federaalka Soomaaliya.

Axmed Shire Falagle, wasiirka warfaafinta Galmudug oo u waramay
Idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, ayaa shaaca ka dhigay in ay doonayaan in shirka martigeliyo maamul goboleed ama dowladda federaalka ah ee
Soomaaliya.

Mr Falagle oo sheegay in madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] uu ku sugan yahay dalka Turkiga isla markaana
dhowaan soo gaari doono Muqdisho.

” Shirkaas ka dhacaya Muqdisho dowladda Soomaaliya ayaa iclaamisay madaxweynaha ayaa isugu yeeray madaxda maamuladda si loo dhameystiro heshiiskii Dhuusamareeb 4 iyo soojeedinta guddiga farsamada ee Baydhabo,” ayuu carabka ku adkeeyay wasiir Axmed Shire Falagle.

Wuxuu ku daray: “Halbeega dowlad goboleedka Galmudug waa in aysan shuruud ku xiran meel looga arrin- sanayo danaha Soomaaliya”.
“Annaga ma ogin mid Xalane ka dhacaya. Madaxweynaha Puntland iyo Jubaland ayaa yiri magaaladda dhexdeeda amni kuma qabno. Xalane
oo ciidamadda AMISOM ay joogaan.