Midowga Musharixiinta oo ka hadlay dhageysiga Dacwadda Badda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay mowqifka ku aadan dhageysiga dacwadda Badda ee ka bilaabatay dalka Holand.

Hoos Ka Akhriso qoraal uu Sheekh Shariif soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweyne Hore Sheekh Shariif oo ka hadlay dhageysoga Dacwadda Badda ee ka bilaabatay dalka Holand.

Bismillaah

Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya.

Guul iyo Gobannimo🇸🇴