Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka qeyb galay gogosha tacsida Cali Mahdi

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kamid noqday Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta ka qeyb galay gogosha iyo tacsida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Cali Mahdi Maxamed.

Qoraal uu soo dhigay Musharax Jibriil Bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay in uu ka qeyb galay gogosha tacsida ah.

Waxaan maanta ka qeybgalay gogosha tacsida Alle ha u naxariistee madaxweynihi 4aad ee dalkeena soo hoggaamiya Xaaji Cali Mahdi Maxamed.

Ehellada iyo qaraabada marxuumka ayaan kaga tacsiyeeyey geerida madaxweynaha isla markaana waxaan goobta ku saxiixay buugga tacsida.

Alle ha ugu bishaareeyo Jannatul Firdows. Aamiin.