Afar qodob oo qareenada Soomaaliya ee ICJ ay diiradda saareen

Waxaa shalay magaalada Hague ee dalka Holland ka bilaabmay dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Qareennada matalaya Soomaaliya ayaa shalay gudbiyay qaar ka mid ah doodahooda ku aadan muranka badda.

Dowladda Kenya ayaa horay u shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee shalay ka bilaabatay maxkamada Cadaaladda Caalamiga ee ICJ.

Waxay dalbatay in 30-daqiiqo oo furitaanka ah la siiyo, balse waa laga diiday sida ay wararka sheegayaan.

Qaar ka mid ah qodobada ay qareenada Soomaaliya ka hadleen:

Isfahankii 2009-kii (MOU)

Mid ka mid ah qareennada Soomaaliya, Philippe Sands, oo Shuruucda caalamiga ah ka dhiga University College London, ayaa qodobkan ku billaabay, wuxuuna sheegay in isfahankii ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, uusan wax khilaaf ah ku ahayn dacwadda.

Wuxuu sheegay in isfahamkaas uu ka mid ahaa qodobbada ay Kenya illaa iyo hadda cuskaneyso.

Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday isfahan la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Is-afgaradkaas wuxuu dhigayay in labada dal aysan iska hor istaagin inay gudbitaan cabbirka, xogta iyo qariiradaha la xiriira Qalfoof badeedka labada dal, oo loo gudbinayay Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qalfoof badeedka dalalka Caalamka.

Isfahamkaas waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Is afgaradkaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa oo ah in wadahadal lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009: – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska is afgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo ‘wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska’.