Koonfur Galbeed oo cabasho ka muujisay heshiiskii DFS & Midowga Yurub

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Cabasho ka Muujiyey Heshiiskii ay kala Sixiixdeen DFS Iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud dib udhiska iyo Guriyeynta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Nuur Shiikh Maxamed Loxos oo Maanta Shir Jaraa’id Ku qabtey Magaalada Baydhabo waxaa uu kaga hadlay Arrimo ku saabsan heshiis kii dhowaan ay kala sixiixdeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Midowga yurub ee ku Aadanaa Arimah Dhismooyinka qaar kamida Magaalooyinka dalka.

Wuxuuna tilmaaney in deegaanada KGS aysan waxba laga siin mashruucaasi.

Wuxuuna sheegey in Dowlad Goboleed ahaan iyo shacab ahaanba reer KGS aysan u cuntamin heshiis kaasi.