Qarax ka dhacay Gaallacyo iyo Sarkaal lala beegsaday

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Sarkaalka oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed laguna Magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) lala beegsaday Gaari uu watay xilli uu marayay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal oo ka tirsan Laanta dambi-baarista Puntland ee C.I.D, ayaa ka badbaaday qaraxa, hayeeshee goobjoogayaal ay sheegeen in uu burbur xoogan soo gaaray gaariga uu watay Sarkaalka.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan dad u qaban qaraxaas.