XOG: Guddi isbaheysi siyaasadeed ah oo ay sameysteen Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta

Waxaa magaalada Muqdisho shirar gaara ku
yeeshay Madaxweynaha Puntland, Jubbaland iyo madaxda Midowga Musharixiinta, kaasoo looga hadlayey xaaladda Doorashada iyo iyo sida ay u wajahayaan.

Xogta laga helay shirarka ka dhacay Xarunta Xalane oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntand Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegaya inay isla garteen dhismaha Guddi u qaabilsan arrimaha Doorashada iyo go’aanada laga qaadanayo.

Guddigan oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Madaxweynayaashii hore ayaa isla gorfeynaya mowqifka ay ka qaadanayaan wadahadalka ay Beesha caalamka ka dhex wado dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, waxayna is-arag joogto ah ka yeelan doonaan hadba qodobadda la isku hayo iyo tanaasulka laga geli karo.