Ciidamada Madaxtooyada oo howlgal ku galay xaafadaha….

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee
Koofiyad Casta’ ayaa xalay saqdii dhexe kadib
howlgal ku aaday xaafadaha ku xeeran xarunta
Madaxtooyada ee Vila Somalia ee degmooyinka
Wardhiigley iyo Boondheere.

Howlgalkan oo ahaa mid aan hore loo arag oo
habeenimo dhacay ayey ku lug yeesheen ciidamada Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ragga dhalinyarrada ah oo laga soo uruuriyey xaafadahaas xilli ay hurdeen markii ciidamada ay guryahooda ugu
galeen.

Dhalinyarro badan oo howlgalka lagu soo
qabqabtay ayaa markii dambe la isugu geeyey
barxadda Iskaashatada iyo agagaarka xarunta
Taliska Booliska ee u dhow Radio Muqdisho,
waxaana labadaasi goobood lagu kala saaray
dhalinyarradaasi.

Qaar ka mida xubno indhaha xiran ee NISA ka mida
ayaa la sheegay inay kala saareen dhalinyarradii
laga soo uriryey xaafadaha u dhow Madaxtooyada,
iyadoo qaar kooban oo ka mida goobtaasi laga
watay, lana sii daayey intii badneyd.

Howlgallada noocan oo kale ah ee habeenadii loo
dhaco muwaadiniinta ayaa socon jiray xilliyadii
dowladi Shariif Sheekh Axmed iyo sanadkii hore ee
Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana si weyn uga
hor yimid Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo dadka
Muqdisho.