Diyaarad Drone ah oo soo dhacday & Al-Shabaab oo gacanta ku dhigay

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo Drone ah ay kusoo dhacday degaan hoostaga degmada Jilib ee Gobolkaas.

Diyaarada oo muddo dhowr saacadood ah hawada kujirtay ayaa ku dhacday Weelaamroow oo hoos taga degmada Afmadoow ee Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay diyaarada oo Drone ah kusoo bandhigeen degmada Jilib, iyaga oo sheegay in diyaarada ay aheyd mid basaaa ah oo Kaamirooyin ay ku xiran yihiin.