Qorshe lagu kala saarayo Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyay Jen. Odowaa & Taliyaha Ciidamada Dhulka

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku
eedeeyay Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo
Taliyaha cidamada Dhulka inay wadaan qorshe ay
ku kala saarayaan ciidamada dowladda oo loo
eegayo sida ay daacad ugu yihii Madaxweynaha
xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahio
Farmaajo.

Wuxuu sheegay in xog uu ku helay in Ciidanka
Xoogga Dalka loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo.

“Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo
taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan. Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan
daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka
doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado
siyaasiyiinta mucaaradka” ayuu yiri C/raxmaan
C/shakuur qoraalkan faafiyey.

Wuxuu uga digay taliyaha ciidamada inuusan
horseedin burburka ciidamada, kana saaro ku
milanka siyaasada, isla markaana uu ogaadaa in
Waa lay amray aysan luquntisa ka saari doonin
danbiyada uu galo’, sida uu yiri.