Waqtiga la soo geba gabeynayo dhageysiga dacwadda Badda oo la shaaciyay

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maalinta berrito ah 3:00PM dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda ee Soomaaliya. Ka dib markii ay ka diiday maxkamaddu kenya inay dib ugu soo laabato dhagaysiga dacwadda.

15kii Bishaan ayaa Maxkamadda bilaawday dhageysiga dacwadda, iyada oo qareemada matalaya dowladda Soomaaliya ay gudbiyeen cadeeymahooda.

Maxkamadda  Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa waxaa laga sugayaa natiijada dacwadda ay qaaday, iyada oo la filayo in Soomaaliya loo xukmiyo.