DEG DEG:-Gole ay ku mideysan yihiin, Deni Axmed Madoobe & Musharixiinta oo lagu dhawaaqay

Shir xasaasi ah oo ay ku yeesheen Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo Xubno kale ayaa waxaa ay ku djawaaqeen Isbaheysi siyaasadeed oo weyn.

Isbaheysigaan ayaa lagu Magacaabaa Golaha Badbaadada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hoggaaminaya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyo Midowga Musharaxiinta.

Afar Sano kadib marka la gaaro xilliyada doorashada ayaa waxaa lagu dhawaaqaa Isbaheysi siyaasadeed oo u jeedkoodu yahay sidii ay meesha uga saari lahaayeen Madaxweynaha xilligaas jooga ama ay uga horjoogsan lahaayeen in aan markale xilka loo dooran.