Dowladda oo diyaarisay Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab+Sawirro

Dugsiga tababarka Har-qaboobe ee Guriceel oo ay dhowaan kasoo bixi doonto Dufcadii Koowaad ee ku qaadata carbis milatary kadib burburkii Dowladii dhexe kadib.

Taliyaha Qaybta 21-aad General: Maxamed Cadoow Cali oo Ciidamadan booqasho maalmo qaadatey ku gaarey ayaa xusey in Ciidamadan uu usoo idlaadey tababarkii u socdey, isla markaana loo diyaarinayo in la qalabeeyo si ay u howl-galaan.

Ciidamadaan oo dhawaan tababarka loo soo xiri doono ayaa waxaa ay yihiin kuwo loo diyaariyay inay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan degaannada Galmudug.