Farmaajo oo ka hadlay geerida Madaxweynihii Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweyne Kuxigeenka dalkaas Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu Marwo Janet Magufuli.