Khilaaf kajira dhameystirka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

Warar soo Baxaya ayaa sheegaya inu Khilaaf Xoogan kajiro dhameeystirka Golaha Wasiirada Cusub Maamulka Hir-shabeelle.

Muranka iyo isqabqabsiga ugu Xoogan ayaa kajiro Saami qeybsiga Wasiirada ugu Muhiimsan taaso balamo uu Beelaha qaar la galay Madaxweyne Guudlaawe durbo u kabaxay taaso keentay inay Beelaha bilaabaan kala xusul duubka Wasiirada.

Beelaha Gugandhabe oo ah kuwa ugu badan oo ku qadsanaa Saami qeybsiga Heer Xildhibaan ayuu Madaxweyneha Durbadiiba balamaha ugu baxay ayadoo taaso ay keentay,shirar ay Maalmahan beelaha kayeeshan balan ka bax ah Guudlaawe.

Cali Guudlaawe Madaxweyneha Hir-shabeelle ayaa horay u Magacaabay Wasiiradiisa Qorsheenta beeraha Biyaha iyo Maaliyada kuwaaso Muranka reer qarkood dhaliyay kadib markii beelaha qaar wasiiro u kula Balamay kaga baxay inuu u Magacaabayo.