Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Amb, Francisco Madera?

Madaxweynaha Dowlad Goboleeska  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM Amb Francisco Madera.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay dadaalada lagu hormarinaayo hawlaha Amniga degaannada Galmudug

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka oo aan weli heshiis laga gaarin.