Puntland & Jubbaland oo qaadacay Shirka Guddiga farsamo uga furmay Muqdisho

Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland
ayaa qaadacay shir qeyb ka mida Guddiga
Farsamada Doorashooyinka uga furmay Hotelka
Decale ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed
C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay inaysan wax
war ka heyn shir u furmay Guddi farsamo, balse ay
sugayaan shirkii lagu balansanaa.

“Ma jiro wax shir horudhac ah ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Mogadishu, welina waxaa laga dhursugayaa in shirkii lagu balansanaa laysugu yimaado si dhaqso ah”. ayuu yiri wasiirka oo ka mida ahaa xubnaha Puntland ee ka mida haa
Guddiga Farsamada ee ku shiray Baydhaba.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha Gudaha
Jubbaland Xersi Gaani ayaa iska sheegay inaysan
Jubbaland ka war heyn shir guddi farsamo u furmay iyo shir uu hordhac u yahay midna, qeybna aysan ka ahayn.

Shirka Hotel Decale ee la sheegay inuu u furmay
Guddiga Farsmada heer wasiir ayaa xogta la helay
sheegeysaa inay abaabushay Madaxtooyada
Soomaaliya, iyadoo ay ka maqan yihiin Puntland,
Jubbaland iyo Galmudug, isla markaana uu yahay
qorshe cusub oo xaalad lagu abuurayo.

Shirka Decale waxaa ka dhex muuqda xubno ka
socda Xukuumadda, Gobolka Banaadir, Hirshabelle
iyo K/Galbeed, iyadoo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay iyo Galmudug oo aan weli caddeyn mowqifkeeda.