Qoor Qoor oo diiday in uu la kulmo Madaxweynaha Puntland

Sida ay xaqiijinayaan Ilo xogogaal ah, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) wuxuu shalay diiday in uu la kulmo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo codsaday in ay wada hadal yeeshaan, ka hor shirka Muqdisho.

Qoor-Qoor ayaa horey uga carooday hadalkii Siciid Deni ka jeediyey Garoowe bishii Feb ee laga soo gudbay, kaas oo uu wax badan kaga sheegay dhigiisa Galmudug, haddana waxaa socda dadaal uu garwadeen ka yihiin Xildhibaano labada dhinac ah iyo Axmed Madoobe Jubbaland.

Sida xaqiijiyaan Ilo katirsan Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la kulmi doona Qoor-Qoor maanta duhurnimada, si uu wada hadalsiin uga dhex bilaabo Deni iyo Qoor-Qoor.