Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ku biiraya Madasha Saxiixayaasha doorashooyinka.

Beesha Caalamka oo sheegtay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay ka qeyb gali doonaan Shirka arimaha doorashooyinka ee Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Mucaaradka ayaa horay xukuumada uga dalbaday in madasha saxiixayaasha doorashada lagu daro,balse xukuumada ayaa arinkaa diiday.

Shirka ay hadda qaban qaabinayaan beesha caalamka ayaa la shaaciyay in ay ka qeyb gali doonaan xubnaha mucaaradka matalaya.