Xildhibaan COVID-19 ugu geeriyooday Kismaayo

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweyne kuxigeenka DG Jubbaland Mudane Maxamuud sayid Aadan oo tacsi u diray ummadda Jubbaland iyo qoyskii uu ka baxay Xildhibaan Cabdi xasan xiish oo ka mid ahaa Baarlamaanka 2,aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo asagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka #Covid19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubbaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada rer Jubbaland.

Waxa uu Madaxweynahu Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ee uu ka geeriyooday.

…………………………DHAMMAAD………………………….