38 Ruux oo Coronavirus uu ku dilay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya magaalada Caabud-Waaq ee Waqooyiga Galgaduud ee deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ay dad ugu dhinteen xanuun loo malaynayo in uu yahay Corona Virus.

Dadka dhintay ee lagu arkay calaamadaha u eg kuwa COVID-19 ayaa isku duwaha qeybta caafimaadka ee Degmada Caabud-waaq Cabdinaasir Cali Jaamac oo la hadlay VOA, waxaa uu sheegay  in dadka dhintay  ay gaarayaan ilaa 38 qof, inkasta oo sababta dhimashada dadkaas aan weli baaritan rasmi ah lagu samaynin.

Soomaaliya ayaa sanadkan 2020 waxaa dad badan ku dilay kuwo kalena ay la jiifaan cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.