C/raxmaan Cabdi Shakuur oo wax lagu qoslo ku tilmaamay…

Siyaasiga Cabsiraxmaan  Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa kasoo horjeestay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Qoraal uu soo dhigay Cabdiraxmaan  Cabdi Shakuur Bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in warkaas uu yahay mid lagu qoslo.

“Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu isaga dalfiyo fariinta kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo.