Dowladda oo sii kordhisay Xayiraadaha Covid-19

Guddiga ka hortaga Covid-19 oo ku dhawaaqay in muddo labo isbuuc kale lagu daray xayiraahda goobaha waxbarashada, Xafladaha iyo dhammaan isu imaatinada guud.

Kulan uu shir guddomiye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Abuukar Cismaan Dubbe ayaa lagu gaaray go’aanka la xiriiro in la kordhiyo xayiraadaha cudurka Corona Virus.

Arintaan ayuu ku sheegay in cudurka wali si weyn uga jiro guud ahaan dalka. Sidoo kale wasiirka ayaa bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka faray in ay qaataan Tallaalka ka socda Muqdisho.