Dowladda oo waqti kale ku dartay xayiraadaha Coronavirus

Guddiga ka hortaga Covid-19 oo ku dhawaaqay in muddo labo isbuuc kale lagu daray xayiraadaha goobaha waxbarashada, Xafladaha iyo dhammaan isu imaatinada guud.

Kulan uu shir guddomiye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Abuukar Cismaan Dubbe ayaa lagu gaaray go’aanka la xiriiro in la kordhiyo xayiraadaha cudurka Corona Virus.

Soomaaliya ayaa waxaa dad badan ay ugu dhinteen Cudurka Coronavirus halka dad kale ay la jiifaan.