Xildhibaan ka tirsan Somaliland oo u geeriyooday COVID-19

Waxaa Isbitaal kuyaala dalka Turkiga ugu geeriyooday Covid-19 oo uu la tacaalayay maalmihii ugu dambeeyay marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ka tirsanaa golaha guurtida Somaliland .

Xildhibaanka ayaa sidoo kale horay xil wasiir ku xigeen ugasoo qabtey xukuumadihii madaxweyne Silaanyo Iyo Riyaale .

Saxafiga Shiine Cilmi Kaahin oo ku sugan Istaanbuul ayaa xaqiijiyay geetida xildhibaanka oo la socday xaaladda caafimaad oo saacadihii ugu dambeeyay laga deyrinaayay.

Xildhibaano ka tirsan Soomaaliland iyo qaar kamid ah dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa sanaskaan u veeriyooday Cudurka Coronavirus oo kiisas badan laga helau Soomaaliya.