Mareykanka oo Madaxda dowlad Goboleedyada ku amray in aysan ka bixi karin Muqdisho

Saafaradda Marayakanka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in dadka soomaaliyeed ay ay xilligaan doonayaan doorasho, xilli weli aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada.

Qoraal kasoo baxay Safaarada ayaa waxaa loogu baaqay Madaxweynayaasha, Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle  & Galmudug in aysan Muqdisho ka bixin ilaa laga heshiiyo doorashada.

Sidoo kale Saafaradda Marayakanka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in shirka oo guul dareestaa aysan ka mid ahayn doodaha, xilli Maalinta berito ah la filayo in Muqdisho uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Warkan kasoo baxay

Saafaradda Marayakanka ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Beesha Caalamka ay ku baaqday in hoggamiyeyaasha Soomaalida looga baahan yahay inay ka heshiiyaan doorashada.