QM oo War kasoo saartay kulankii Maanta ee Farmaajo & Dowlad Goboleedyada

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay la socdaan kualnkii Maanta Muqdisho uga furmay Madaxweyne Farmaajo,  Madaxda Saddexda Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu taageeray kualnkaaz ,iyada oo lagu baaqay in la qabto lualn aan rasmi aheyn oo dhinacyada oo dhan ay ka qeyb galaan.

Hoos Ka Akhrio qoraalka  Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka; waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.