Sacuudiga oo ku dhawaaqay qorsho ay la galayaan Kooxda Xuutiyiinta

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan Bin C/llaahi waxa uu goor dhow ku dhawaaqay jnay soo bandhigeen Hindisaha Cusub ee Nabadda ee dalka Yemen, si loo joojiyo Colaadda u dhexeysa Isbahaysiga Milliteriga ee Sacuudiga hoggaamiyo iyo Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto.

Wasiirka oo ka hadlay Shir Jaraa’id waxa uu sheegay inuu qoddobada Hindisaha cusub ee Nabadda Yemen ay ka mid yihiin:

1- Xabbad-joojin Guud ee dalka oo QM maamulayso

2- Inay Isabahaysiga Sacuudiga debciyaan cunaqabataynta saaran Dekedda Al-xudeydah ee dalka Yemen.

3- Canshuuraha ka soo xerooda Dekedda Al-xudeydah waxaa lagu shubi doonaa Xisaab Lacageed lala wadaagayo Bangiga Dhexe ee Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan tahay

4-Dib-u-furista Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyadoo la xadidayo Duullimaadyada Tooska u taga Goballadda iyo Caalamka

5- In dib loo bilaabo Wada-xaajoodka Siyaasadda si loo dhamaystiro Xiisadda Colaadeed ee dalka Yemen

6- Dhaqangelinta Hindisahaasi waxa u bilaaban doonaa marka ay
Xuutiyiinta oggolaadaan.